TURKIGA MA MUDAN YAHAY IN LOO…
(SAWIRKA)-MAXAMED AL-CAJMI OO LAGU BOOQDAY HOTEKIISA.
(ISTAMBUL)-Wararka ka imaanayo dalka Turkiga ayaa sheegayo in halkaasi ey ka jirto Nacaybka dadka aan u dhalan Turkiga ahayn ee dalkaasi u yimaado siyaabo kala duwan(XENOPHOBIA),Soomaalida ayaa ka mid ah dadka dalkaasi Turkiga u aado Waxbarasho,Caafimaad iyo waxyaabo kale,hadaba arrimaha aan soo sheegay arrin ka gedisan ayaa waxaa dalka Turkiga u tegay nin u dhashay dalka Kuwayt lana yiraahdo Maxamed AL- Cajmi,ninkaan ayaa Turkiga u tegay Dalxiis waxa uuna gaaray magaaladda Trabzon,Maxamed ayaa halkaasi waxa uu cunta ka cunay Maqaayad waxaane la saaraty lacag ka badan midii uu cunay markii uu ka murmayne Maxamed waa lala dagaalay waxa uuna Maxamed dagaalkaasi ku waayey Afar Ilkood sida laga arkay Kaamarada Qarsoon ee CCTV-da taaso tiilay Maqaayadda lagula dagaalay Maxamed,arrintaan ayaa dalka Turkiga waxa ey ka dhacday horaantii bishan Sebtembar-2023-ka. Sida ey baahiyen warbaahinta dalka Turkiga Maxamed AL-Cajmi ayaa waxa uu galay Isbitaalka ka dib markii uu miir-doorsomay(Coma).
ISHA/MEE.