TOOGASHO KA DHACDAY XUDUUDA LIBNAAN IYO SURIYA.
(SAWIRKA)-DAD U SAFRAAYO DALKA LIBNAAN.
(BEIRUT)-Haweeney Suriyaan ah ayaa shalay oo Axad ahayd(17/9/23)-ka la dilay waxaane la dhaawacay wiilkeed ka dib markii sida sheegay ey isku dayeen iney ka gudbaan xuduuda u dhexeeyso dalalka Libnaan iyo Suriya,dilka ayaa waxaa gaystay askeri ka tirsan ciidamadda dalka Libnaan ee ilaaliya xuduuda kaaso ku furay rasaas hooyada iyo wiilkeed oo Suriyaan ah,goobta uu shilku ka dhacay ayaa ah goob si aad ah ugu dhaw halka ey Ilaalada xuduuda Libnaan si aad ah isha ugu hayaan waane meesha dadka ka yimaado Suriya ka soo galaan dalka Libnaan,sidaas waxaa sheegtay warbaahinta maxaliga ah ee dalka Libnaan. Tajah Jaber AL-Tarshan iyo wiilkeed oo toban jir ah ayaa waxaa toogtay askeri ka tirsan ciidamada ilaaliya xuduuda dalka LIbnaan,Tajah iyo wiilkeed ayaa la sheegay iney isku dayeen iney si sharci darra ah uga gudbaan xuduuda labada dalka ee Suriya iyo Libnaan,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta Furaat.
ISHA/ARAB.