TIRADII UGU YAREED OO MAANTA KU DUKATAY MASJIDKA.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ISRA’IIL OO BAARAYO DADKA GELAAYO MASJID AL-AQSA.
(QUDS)-Wararka laga helaayo Masjidka Barakaysan ee AL-Aqsa ey sheegayaan in maanta oo Jimca ah ey tahay todobaadkii lixaad oo xiriir ah uu maamulka Isra’iil xanibaad adag uu ku soo rogay dadka reer Falastiin waxa uuna ka mamnuucay iney galaan Masjidka AL-Aqsa ee ku yaalo Bariga Qudus ee la haysto si ey ugu tukadaan Salaadii Jimcaha taaso Massjidka ka dhigaysa inuu noqdo mid Faaruq ah. Sarkaal ka tirsan Waaxda Waqf ee Qudus ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Anadolu ee dalka Turkiga in ku dhawaad 4-kun qofood oo reer Falastiin ah una badnaay dad da’a ah ey ku guuleysteen Masjidka Barakaysan ee AL-Aqsa si ey ugu soo Tukadaan Salaadii Jimcaha ee maanta(17/11/23)-ka taaso tiradii ku Tukan jirtay ey hoos uga dhacday oo ahayd 50-kun qofood.
ISHA/AA.