TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA OO..
(SAWIRKA)-TALIYAHA TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA GEN.ERIK KURILLA.
(WASHINGTON)-Toban maalmood oo baadi goob ah lana doonaayey in lagu soo badbaadiyo laba askeri oo ka tirsan ciidamadda Badda ee dalka Maraykanka kuwaaso qeyb ka ahaay hawlgal lagu doonaayey in lagu fuulo Markab lagulana wareego hub laga keenay dalka Iraan kuna socday Xuutiyiinta gudaha badda Carabta ayaa la soo afjaray maanta oo Axad ah sida uu sheegay Mileteriga Marakanka. War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska dhexe ee ciidamadda maraykanka ayaa lagu sheegay in hadda baaritaankii loo bedelay dadaal dib u soo kabasha ah. Waxaan la shaacin oo aan la sheegin magacyada labada askeri ee la la’ayahay ayadoo aan la ogaysiin qoysaskooda. Maraakiibta iyo diyaarado ka kala socday dalalka Maraykanka,Japan iyo Isbayn ayaa si joogta ah waxa ey u baareen in ka badan dhul ey masaafadiisu dhan tahay ilaa 21-kun Meyl oo laba jibaaran,waxaa sidaas sheegay ciidamadda iyo iyagoo gacan ka helaayo xarunta saadaasha hawada ee (FLEET NUMERICAL AND OCEANOGRAPHY CENTRE),taliska ilaalada xeebaha Maraykanka ee aaga Atlantic,Jaamicadda San Diego-Machadka Qoraaladda ee Oceanography iyo xafiiska cilmi baarista Badda. “Waan ka baroordiiqeynaa khasaaraha naga soo gaaray labadeyna dagaalyahan ee sida gaarka ah u tababaran kana tirsan ciidamadda Badda Maraykanka,weligayn waan ixtiraami doonaa nafhurnimadooda iyo tusaale ahaan”,ayuu yiri Gen.Erik Kurilla,madaxa taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. “Ducadayada waxa aan u direynaa Qoysaska ciidamadda Badda,asaxaabta,ciidamadda badda Maraykanka iyo dhammaan bulshada hawgaladda gaarka ah inta lagu guda jiro waqtigaan”.
ISHA/POLITICO.