TAHRIIBIN DUMAR U DAGAALAMAY DAACISH.

(SUURIYA):Xaasas ajaanib ah laguna tuhmaayo ineey yihiin dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish iyo caruurtooda ayaa si aan sharci ahayn looga wadaa xerada lagu haayo kuna taalo dalka Suuriya ee la yiraahdo Al-Hol eeyna maamulaan rag Kurdis ah,xeradaan ayaa dhacda bariga dalka Suuriya ee gobolka Idlib waxaana la geeyaa xero kale oo eey gacanta ku hayaan kooxda XAYAT AL TAXRIIR ALSHAAM(HTS),shuuradaha dumarkaan lagu geeynaayo xerada cusub ayaa ah ineey aqbalaan ineey guursadaan rag ka tirsan kooda HTS si eey ugu tahriibiyaan xuduuda dalka Turkiga.Tiro dumar ah oo dhan afartan(40) iyo caruurtooda ayaa hadda waxa eey ku nool yihiin xerada Aljumayla ee ku taalo galbeedka Idlib kuna dhaw xuduuda dalka Turkiga,inta badan dumarkaan ayaa ah ajnabi waxa eeyna badankooda ka soo jeedaan sida la sheegay muslimiinta Ruushka,Chachnya iyo dejakistaan waxaane jiro dumar reer Suuriya ah kuna nool qeybo gaar ah kana tirsan xerada.Dumarkaan qaarkood waxa eey ka soo baxsadeen xerada eey maamulaan Kurdiyiinta ee Al-hol una dhaw xuduuda u dhexeeyso dalalka Ciraaq iyo Suuriya.ISHA WAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

XAALADDA NOLOLEED EE YAMAN OO LAGA DEEYRINAAYO.

Next
Next

SUUDAAN OO ,OOGA DAWAAQAY DAWLAD KU MEEL GAAR AH.