(SYRIA)-SARKAAL HORE IYO GANACSADE IS WEERARAY.
(SAWIRKA)-SURIYA.
(SYRIA)-Ganacsadaha Suuriyaanka ah ee Rami Makhlouf, oo ay ilmo habreed yihiin Hoggaamiyaha la riday Bashaar Assad, ayaa Axada maanta ah soo saaray weerar kulul oo uu ku qaaday Sarkaal hore Sareeya Guuto Giyath Dallah. Giyath Dallah, oo ah Sarkaal ka tirsan Qeybta Afraad, ayaa ku eedeeyay in uu dhawaanahan Qalalaaso ka abuuray Gobolka Xeebta ee dalka Suuriya, isla markaana uu dadka rayidka ah uga faa’iidaysto dantiisa gaarka ah. Makhlouf ayaa hadalkiisii u horeeyey ee uu baraha bulshada soo dhigay tan iyo markii taliska Asad uu dhacay bishii December ee ina dhaaftay waxa uuna eedeyn kulul u jeediyay Saraakiisha Qeybta Afraad gaar ahaan Dallah oo uu sheegay inuu ka dambeeyay isku dhacyada Ciidamada Ammaanka maalmihii la soo dhaafay. "Maxaad ku samaysay dadkeena, Giyath Dallah? Maxaad ku samaysay Madaxii Sirdoonka Ciidamada iyo shacabka kugu xeeran? Maxaad arrintan idinku u soo dhex geliseen dadkan rayidka ah ee aan waxba galabsan oo aad uga faa’iidaysteen baahidooda dhaqaale? ayuu qoray. Waxa kale oo uu dhaleecayn u jeediyay ina adeerkii Asad oo uu yiri: “Miyaanad Madaxweynihii Cararay oo horay dalka dumintiisa kala qayb gelin,ciidankoodii iyo dhaqaalihiisii burburin, dadkiina gaajoonayaan, oo lacag haddii la qaybiyo aan cidina gaajo iyo faqiir toona ku fakarin? Makhlouf ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah ey naftooda ku waayeen Gobolka intii ey socdeen howlgallada ey wadaan Ciidamada Ammaanku, wuxuuna Dallah ku eedeeyay kicinta dhacdooyinka. Maalmihii la soo dhaafay, Gobolada Laadiqiyah iyo Tartuus ee Xeebaha ku teedsan waxaa ka dhacayay weeraro abaabulan oo ey fulinayeen taageerayaasha Nidaamka Bashaar Al-Asad ee talada laga tuuray. Weeraradan oo lagu tilmaamay kuwii ugu darnaa tan iyo dhiciddii taliskii bishii Disembar ayaa lala beegsaday Roondo Amni, Koontaroolo, iyo Isbitaallo, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada Ammaanka iyo kuwa milateriga oo ka jawaabayay weerarkan ayaa billaabay howlgallo ballaaran oo ey ku baadi-goobayaan kooxihii weerarka geystay, taasoo keentay iska-horimaad xooggan. Assad, Hogaamiyaha Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u cararay dalka Ruushka 8-dii December, isagoo soo afjaray taliskii Baath Party, oo xukunka hayay tan iyo 1963-kii. Axmed AL-Sharac, oo hadda ah Hogaaminayay Xoogaga ka soo Horjeeda Nidaamka Asad, ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay Madaxweynaha KMG ah 29-kii Jannaayo.
ISHA-AA.