SUURIYIIN KU DHINTAY SAXARAHA ALJEERIYA.
(SAWIRKA)-DHULKA LAMA DEGAANKA ALJEERIYA.
(ALGERIA)-Wararka ka imaanayo dalka Aljeeriya ayaa sheegayo in 14-qofood ey ku jiraan 12-Tahriibayaal Suuriyiin ah meydadkooda laga soo helay Gobolka Ilizi ee dhaca Koonfurta dalka Aljeeriya halka shan kalane weli la la’ayahy,sidaas waxaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay shalay oo Isniin ahayd sarkaal ka tirsan Safaaradda Suuriya ee dalka Aljeeriya. Dadaaladda baadi goobka ah ee lagu raadinaayo shanta kale ayaa weli socdo,ayuu yiri Bassim Faaruuq oo ah Madaxa Socdaalka aan joogatada ahayn ee Safaaradda dalka Suuriya ee dalka Aljeeriya. “Dadka Dhintay waxa ey ka yimaadeen dalka Libiya Talaadadii”,ayuu raaciyey hadalkiisa. “Waxaa Meydkooda la helay Sabtidii ka dib markii ey ku lumeen dhulka lama degaanka ah”. Muhaajiriinta ayaa waxaa soo helay Ururka raadinta iyo Samatabixinta oo NGO ku takhasusay Samatabixinta dadka ku luma lama degaanka Aljeeriya. Ururka ayaa sheegay in dadka dhintay ey kala yihiin laba u dhalatay Aljeeriya iyo 12-Suuriyaan ah oo ey ku jiraan 10-jir iyo 16-jir,
ISHA/NA.