SURIYA: DAACISH AYAA DISHAY 33-ASKERI.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA SURIYA.

(SYRIA)-Dalka Suriya waxa uu ka mid yahay dalalka Carbeed uu saameyey kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta 2011-kii,Suriya ayaa waxaa ka jiro kooxo kala duwan iskana soo horjeedo waxa eyna isku heystaan sidii ey u xukumi lahaayeen dhulka ayaga ku hareereysan amaba u dhaw. Dhalashadii Ururka Daacish waqtigii uu socday dagaalka dalka Suriya ayaan ahayn mid aan la mahadin waxaane ka dhashay waxyaabo ey ka mid yihiin xulafo reer galbeed ah uuna hogaaminaayo dalka Maraykanka iney soo gasho dhulka Suriya,xulafadaan ayaa weli waxa ey ku sugan yihiin gudaha dalka Suriya waxa eyna ka sameeyaan hawlgalo militeri oo socdo ilaa hadda. Kooxda Daacish ee dalka Suriya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ey weeraro gaadmo ah ku qaadayeen ciidamadda Suriya,weerarkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ku dhintay 33-askeri kana tirsan ciidamadda dawladda Suriya.

ISHA/ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

IMAARAATKA CARABTA IYO CIRAAQ OO WADA HADLAY.

Next
Next

DOON KU GADOONTAY BIYAHA TUNISIYA.