SOOMALIYA OO LAGU DILAY HOGAAMIYE SARE OO ALSHABAAB AH.

ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in dagaal lagu qaado kooxda Alshabaab ayey kooxdu waxa eey la kumeysay weeraro kaga imaanayo dhinacyada ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya iyo dad shacab ah oo ka caraysan dhibaatooyinka kooxda Alshabaab ugu gaysatay degaanadooda,dhinaca kalane waxaa jiray in dawladaha la saaxibka ah Soomaaliya(Maraykanka iyo Turkiga) ineey qeyb ka yihiin la dagaalanka kooxda Ashabaab waxa eeyna dagaalka kaga qeybgelaayaan diyaaradaha aanuu wedin duuliyaha ee loo yaqaano DRONES-ka,hadaba maalin uun ka dib markii kooxda Alshabaab eey qarax miino ku dileen S/G.Farxaan Maxauud Aadan(Qaroole) ayey diyaaaradaha Drones-ka Maraykanka hawlgal aad loo qorsheeyey waxa eey ka fuliyeen degaanka Xaramka ee degmada Jilib ee G/Jubada Dhexe waane gobolka kaliyah eey Alshabaab maamulaan dhammaan degmooyinkiisa,weerarka eey qaadeen diyaaradaha Drones-ka Maraykanka ayaa waxaa lagu dilay mid ka mida seddexda hogaamiye ee ugu sareeyso kooxda Ashabaab lana yiraahdo CABDULLAAHI NADIIR loona yaqaano C/laahi Yare waxaane la socday oo goobta kula dhintay wiil uu dhalay hogaamiye diimeedka mayalka adag ee Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo darawalkii weday baabuurka lala beegsaday gentaalka aan waxba reebin eey ridaan diyaaradaha Drones-ka dalka Marayakanka. Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa warbixin kooban waxa eey ka diyaarisay qofka uu yahay C/laahi Yare iyo waxa uu ka soo qabtay gudaha kooxda Alshabaab.

ISHA WARKA BBC.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SHEEKH AXMED NAWAAF OO DIB LOOGU…

Next
Next

MUDAAHARAAD KA DHACAY BAQDAAD.