SOOMAALIYA:DOORASHO MASE DAGAAL SOKEEYE?
(SOOMAALIYA):Dalka Soomaliya ayaa waxa uu galay marxalad cusub maanta oo ah Axad ah(12/12/2021)-ka ka dib markii midawga musharixiinta xilka madaxweyne eey soo saareen qoraal leh miisaankiisa kuna saabsan mawqifkooda ku aadan dorsahadda dalka Soomaaliya 2020/2021-ka,sababta eey qoraalkaan u soo saareen ayaa waxaa u sabab ah codsi eey u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa eeyna kaga codsadeen in la hakiyo doorashadda la isuguna yimaado shir looga arrinsanaayo doorashaddan aan ku socon habraacii lagu heshiiyey taasne lagama yeelin oo looma qaban bareeg.Midawga musharixiinta ee xilka madaxweyne oo kaashanaayo xoogag ayaga taabacsan ayaa waxa eey is hortaageen waqti korosi uu baralamaanka u sameeyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo bishii abriil-2021-ka,arrintaan cusub ayaa noqonayso mid soo afjari karta ila meereysada ka taagan doorsahadda dalka Soomaaliya 20/21-ka halka besha caalamka u muuqato mid indhaha ka fiirsaneyso waxa socdo mana ka hadlin khaladaadka jiro iyo cidda leh masuuliyadeeda waxase la arki doonaa beesha caalamka haddii uu dhaco gacan ka hadal maalmaha soo socdo arrintuna isku dhex yaacdo waane waxa eey doonayaan si eey arrimaha doorashadda Soomaliya ugu gacan gasho,qoraalka eey soo saareen Midawga Musharixiinta oo faahfaahsan ka akhriso halka hoose.ISHA CAASIMADDA ONLINE.