SHIR KA FURMAY MAGAALADDA QAAHIRA.

(SAWIRKA)-JAAMICADDA CARABTA.

(CAIRO)-Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay Shir Wadatashi ah una dhexeeyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda Wadamadda Carabta, kaas oo loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka deg dega ah ee la Qorsheeyay in uu qabsoomo berri oo Talaado ah, kaas oo looga hadlayo Arrimaha dadka reer Falastiin. Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo loo diyaar garoobayo Shir Madaxeedka deg dega ah ee Wadamada Carabta oo ey martigelinayso Xukuumadda Masar. In laga Wada hadlo Xaaladda Marinka Gaza iyo guud ahaan dhulka ey degan yihiin dadka reer Falastiiniyiinta. Kulanka ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in Xal Siyaasadeed oo joogto ah oo cadaalad ah laga gaaro Arrinta Falastiin, taasoo horseedi karta in la dhiso Dowlad Madax-bannaan oo Falastiin, maadaama tani ey tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo Nabadda Gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar, Dr. Badr Abdel Caati, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Mohamed Mustafa, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Falastiin, oo qayb ka ah u diyaar garowga Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Wadamadda Carabta, oo looga wada hadli doono Horumarka ku saabsan qadiyadda Falastiin. Waxa ey ka wada hadleen hiigsiga qabsoomida shirka dib u dhiska, kaas oo la filayo in Masar ey marti geliso iyada oo kaashanaysa Qaramada Midoobay, waxaaney muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in Beesha Caalamku ey taageerto dib u soo kabashada hore iyo qorshayaasha dib u dhiska, taas oo u sahlaysa dadka reer Falastiin in ey ku naaloodaan Xuquuqdooda, in ey ku nagaadaan dhulkooda, iyo in ey dhistaan ​​Dawladooda Madax bannaan ee ku beegan June 4, 1967, oo ey caasimaddeedu tahay Bariga Quddus. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Dr.Badr ayaa qaabilay dhigiisa dalka Ciraaq Fu’aad Xuseen sidoo kale goob joog ka ahaa is-dhaafsiga Aragtiyo ku saabsan Arrimaha Gobolka ee ugu caansan, iyadoo la eegayo Xaaladda Marinka Gaza, dadaallada Masar ee lagu Xaqiijinayo sii jiritaanka heshiiska Xabbad-Joojinta ee Marinka Gaza. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka Masar Dr.Badr ayaa qaabilay dhigiisa dalka Yeman Shaayec Muxsin AL-Zindani. Abdel-Caati waxa uu taabtay tillaabooyinka socda ee loogu diyaar garoobayo Shir madaxeedka Carabta, isagoo ku saabsan Xaaladda Marinka Gaza, isaga oo xaaladdan ku sugan, waxa uu tilmaamay dadaalka Masar ee lagu xaqiijinayo sii jiritaanka heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza, iyo qorshaha loo dajiyay dib u dhiska, isagoo carrabka ku adkeeyay diidmada Masar ee Barakaca Falastiiniyiinta, iyo in ey lagama maarmaan tahay in Xal Rasmi ah laga gaaro Arrinta Falastiin.

ISHA-CAIRO NEWS.

Previous
Previous

MASRA IYO SURIYA OO KA WADA HADLAY ARRIMO..

Next
Next

ISRA’IIL OO HAKISAY GARGAARKII MARINKA GAZA.