SHIR JARAA’ID OO LAGU KALA TEGAY.

(SAWIRKA)-WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA.

(CAMAAN)-Wararka imanaayo caasimadda dalka Urdun ee Camaan ayaa sheegayo in Wasiiraka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken uu sheegay in dalkiisa uu taageerayo qaboojinta xaaladda dagaal ee ka jirta Marinka Gaza balse dalkiisa uusan marna aqbaleyn in la joojiyo dagaalka Gaza guud ahaan. Wasiir Blinken oo ka hadlaayey shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda Urdun ee Camaan eyna kala qeybgaleen dhigiisa ka kala socday dalalka Urdun Eyman AL-safadi iyo Masar Saamax shukri ka dib markii uu soo dhammaaday shirkii u dhexeeyey Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Carabta(Urdun,Masar,Imaaraatka Carabta,Qadar iyo Sacuudiga) iyo dalka Maraykanka, Blinken ayaa sheegay in xabad joojin ka dhacdaa Gaza iney tahay mid keeneysa in Xarakada Xamaas baaqi ku sii ahaato Marinka Gaza. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa waxa uu Tel Aviv kula soo kulmay Reysal Wasaatraha Isra’iil Benjimiin Netanyahu waxaane Blinken loo sheegay in Isra’iil marnaba aqbaleyn in Xabad joojin laga sameyo Gaza inta laga soo xureynayo la haystayaasha ku jiro gacanta Xarakadda Xamaas taaso ah in dalka Maraykanka ku soo guul daraystay inuu wax ka qabto xad gudubka Isra’iil ee Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DHULKEEDA KA SOO SAARATAY FALASTIINIYIN.

Next
Next

HOGAMIYAHA XIZBULLAH OO JEEDIYEY HADAL…