SHIL BAABUUR OO EEY KU DHINTEEN HOGAMIYEYAAL AL-QAACIDDA-YAMAN.
Sida uu qoray wargayska Alsahafah-24 kana soo baxo dalkaas yaman waxaa shil baabuur oo ka dhacay gobolka Shabwa ku geeriyooday hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Alqaacidda ee ka hawlgasha dalka Yaman gaar ahaan goboladda Abyan iyo shabwa oo dhacaan bariga Yaman,shilka ayaa waxa uu dhacay habeenkii Arbacada xilli dambe oo eey guureeyhaayeen. Hogaamiyeyaasha ku dhintay shilkaas ayaa kala ahaay Naasir AlKazimi oo ahaay madaxa amniga iyo sirdoonka kooxda Alqaacidda ee labada Gobol Shabwa iyo Abyan halka Saalax oo la dhashay Naasir uu Alqaacidda gacanka carabta u qaabilsanaay ciidamadda.XIGASHO ALSAHAFAH-24.