SHEEKHA AADAN MADOOBE OO MAGACAABAY…
GUDOOMIYE AADAN MADOOBE OO LA FADHIYO GUDIGII U MAGACAABAY.
(SOOMAALIYA)-Maalintii Axadda eey bishaan ahayd todobada(7/8/22)-ka ayaa waxaa Golaha Shacabka ee BJFS la horkeenay si eey u ansixiyaan Golaha Wasiiradda ee cusub ee uu soo dhisay RW-Xamsa Cabdi Barre,ka hor inta aan codka kalsoonida ah loo qaadin Golaha Wasiiradda ee cusub ee uu soo dhisay RW-Xamsa ayaa Golaha waxaa ka dhacay Fawdo eey sameeyeen qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS, Xildhibaanadaas sameeyey Fawdada ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhameed ilaa todobo Xildhibaan kana soo kala jeeday maamuladda Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS) oo shan xildhibaan eey ka soo jeeday iyo laba xildhibaan oo ka soo jeeday Galmudug,hadaba dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday gudaha Golaha Shacabka ayuu Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay gudi soo baara dhacdadaas maanta oo Talaadada ah(9/8/22)-ka,Gudiga ayaa ka kooban shan Xildhibaan kana soo kala jeedo maamulo kala gedisan balse mid ka mida Gudiga kana soo jeeday maamulka Galmudug ahne Xildhibaan Odawaa ayaa ka cudur daartay xilkaas waxaane bedelikiisa galay Gudoomiye Aadan Madoobe waxa eeyna kala yihiin{ Adan Madoobe(KGS),Axmed Maxamuud Jaamac(Puntland),Axmed Cabdi Kooshin(Somaliland),Maxamuud C/qaadir Xaaji(Bnaadiri),Ismaaciil Ciid Maxamed(KGS)}, Gudigaan ayaa lagu wadaa ineey go’aan ka soo gaari doonaan Xildhibaanadii sameeyey Fawdada,anagoo og in sidaan oo kale eey horay u dhacday sannadkaan horaantiisa markii Gudoomiye Mursal uu sameeyey muddo kordhin laba sano ah,waxaane waqtigaas la ciqaabay ilaa shan iyo toban Xildhibaan oo sameeyey sida eey hadda sameeyeen todobaan Xildhibaan,balse la arki doonee go’aanka ka soo baxo.
ISHA WARKA-SUUQ BACAAD MEDIA(SOMALIA).