SHACABKA KUWEYT OO DOORANAYO XILDHIBAANO.
(SAWIRKA)DOORASHADA DALKA KUWEYT.
(KUWAIT)-Cod bixiyeyaasha dalka Kuweyt ayaa maanta oo Talaada ah u dareeray goobaha cod bixinta si ey doortaan xildhibaanada baarlamaanka dalka Kuweyt markii seddexaad muddo seddex sano gudaheeda waqti ey jirto xasaasiyad adag oo dhinaca siyaasdda ah. In ka badan 793-kun qofood oo sharciga u ogol yahay iney ka qeybgalaan doorashada dalka Kuweyt ayaa safaf u galay sidii ey dooran lahaayeen 50-xildhibaan oo ka mida 65-kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalka Kuweyt, sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Kuweyt ee KUNA.
ISHA WARKA AA.