SAN FARANSISCO OO AQOONSATAY CIIDAHA MUSLIMINTA.
DUGSI KA MIDA DUGSIYADDA SAN FARANSISCO.
(USA)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool Muslimiin aad u fara badan isagana kala yimid dunida dacaladeeda balse ey kulmisay ineey yihiin Muslimiin,hadaba dugsiyada ku yaalo degmada San Faransisco ee gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa dib u eegis ku sameeyey go’aanka fasaxyada maalmaha Ciidaha Muslimiinta ey ka mid noqdaan fasaxyada degmada San Faransisco oo ey ku nool yihiin Jaaliyado Muslimiin iyo Carab ah. Dhammaadkii bishii hore midawga dugsiyadda degmada San Faransisco ayaa soo saaray talo soo jeedino badan oo ku saabsan in fasaxyada dugsiyada lagu daro maalmo kale oo cusub fasax sannadeedka dugsiyad degmada San Faransisco eyna ka mid yihiin aqoonsiga fasaxyo diimeed ayadoo aan si rasmi ah loogu darin fasaxyada lana xirin dugsiyada maalmahas.
ISHA WARKA MEE.