SALDHIG CIIDAN OO SI SIRA LOOGA DHISAAYEY YEMEN OO…
Wakaaladda warar ee Associated Press(AP) ayaa waxa eey soo bandhigtay sawir muujinaayo in jasiiradda Yamantu leedahay ee MAYUUN una dhaw marin muhiimka ah ee BAAB AL_MANADA inuu ka socdo dhismo saldhig ciidan ka dib markii la arkay jidka eey ku ordaan diyaaradaha oo dhererkiisu dhan yahay 1.85-kiilomitir,AP ayaa xustay in garoonkaas eey ku soo degi karaan kana duuli karaan diyaadaha qaado waxyaabaha culus,arrintaan ayaa waxa eey ka caraysiisay isbahaysiga uu hogaamiyo sacuudiga ee dagaalka kula jiro Xuutiyiinta eey taageerto iraan waxa eeyna sheegeen in saldhigaasi yahay mid iyagu iska leeyihiin balse ma eeysan sheegin cidda dhiseeyso saldhiga iyo sababta loo dhisaayo saldhiga,dhinaca kalane wasiirka arrimaha dibadda dalka Yaman oo la hadlay wabaahinta gudaha Yaman ayaa sheegay in yaman dhulkeeda eeysan cidna kula heshiin waxa socdaane eeysan waxba kala socon,hadalkaan ayaa muujinaayo in dalalka Imaaraatka iyo Sacuudiga ka sameeynayaan gudaha dalka Yaman waxyaabo aysan ogayn dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yaman uuna higaamiyo C/rabu masuur Haadi.XIGASHO AP.