SAGAAL RAG AH OO LOO TOOGTAY HAL SHAQSI DARTIIS DALKA YAMAN.
YAMAN-SANCA: Xabsiga dhexe ee ku yaalo caasimadda dalka Yaman ayaa shalay waxaa lagu dhex toogtay sagaal qofood oo wada rag,dadkaan la toogtay ayaa waxaa ka mid ahaay wiil soo jiitay indhaha dadkii daawnaayey markii lagu fulinaayey dilka toogashada ah,sababta ragaan sagalka ah loo toogtay ayey kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dalka Iraan ku sheegeen ineey sabab u ahaayeen dilkii nin ayaga ka tirsanaay balse u dhigma inuu yahay madaxweyne ninkaas ayaa waxaa dilay diyaaradaha isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga.
Saalax Al-Samad ayaa waxaa la dilay bishii Abriil-2018-kii waxaane Saalax lagu dilay magaala xeebeedka Xudayda ee dhacda galbeedka dalka Yaman,dadkaan dilka lagu fuliyey shalay ma eeysan heli wax difaaca oo waa la iska toogtay ayagoo aan la marsiin jidkii sharciga ahaay.XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR MEMO.