SAGAAL GARSOORE OO LAGU XIRAY SACUUDIGA.
(RIYAAD)-Wararka ka imaanayo dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegaayo in dalkaas lagu xiray sagaal garsoore kana tirsanaay maxkamadaha dalkaas Sacuudiga,garsoorayaashaan ayaa ku eedaysan ineey sameeyeen khiyaano qaran sidaas waxaa sheegay urur la magac baxay DEMOCRACY FOR THE ARAB WORLD NOW(DAWN).Garsoorayaasha xabsiga loo taxaabay ayaa ka kala tirsan seddexmaxkamadood seddex(3)-Maxkamada qaada dembiyadda argagixisada,seddex(3)-Maxakamadda Racfaanka iyo seddex(3)-Maxkamadda Sare,garsoorayasahaan ayaa galay dembiyo lid ku ah xuquuqda bani’aadamka waxa eeyna qariyeen ku xadgudubka xuquuqda bani’aadamka ee ka jirta Sacuudiga,tusaale ahaan garsoore khaalid Al-luheydi waa garsoorihii bixiyey amarkii lagu soo xiray hawwenidii u dhaqdhaqaaqeysay xuquuqda aadanaha Lujeeyn Al-hatluul,waxaa kaloo ka mida garsoore Cabdulcasiis Al-Jabri oo ahay garsoorihii bixiyey amarkii lagu toogtay sideetan iyo kow(81)-qofood bishii hore ee Maarso/22-ka waxaane soo xiridda garsoorayaasha fuliyey ciidamadda amaanka ee ka hawlgala maxkamadaha eey ka shaqeynaayeen garsoorayaasha xabsiga loo taxaabay.
XIGASHO:MIDDLE EAST EYE.