SACUUDIGA OO XIL U MAGACABAY 34-DUMAR AH.

MAKA.

(RIYAD)-Tan iyo markii loo magacaabay inuu noqdo dhaxal suge wiilka uu dhalay Boqorka Sacuudiaga Salmaan ee Maxamed Bin Salmaan waxaa dalkaasi ka dhacay waxyaabo fara badan ey ka mid tahay in Dumarka dalkaasi wadan karaan Baabuurtoda iyo in dumarka dalkaasi qeyb ka noqdaan shaqaalaha dawladda,hadaba waxaa xilal loo magacaabay 34-qofood oo wada ah Dumar u dhashay Sacuudiga,dumarkaan ayaa hogaamin doono xilal laga qabanaayo labada Masaajid(MAKA IYO MADIINA). Qoraal ka soo baxay maamulka guud ee arrimaha labada Masaajid ayaa sheegay in ujeedada magacaabida tahay “Horumarinta adeegyada dadka soo booqdo labada Masaajid ee barakaysan ee Maka iyo Madiina”

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DHAXAL SUGAHA KUWAIT OO AQBALAY…

Next
Next

MASAR KAMA DHICI DOONAA KACDOON KALE?