SACUUDIGA OO KA HADLAY XUJAAYDA SANNADKAN.

(SAWIRKA)-=XUJAAYDA SANNADKAN.

(LONDON)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saaray natiijada Xajka sannadkan-1444/2023-ka sheegayne in lagu guulaystay,xukuumadda Sacuudiga ayaa daaha ka rogtay warbixin tira koob ah kuna saabsan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray Xujaayda uuna sabab u yahay kulaylka halkaasi ka jira. Wasiirka Caafimaadka dalka Sacuudiga Fahad Al-Jalaajil wax uu soo saaray habeenimadii Jimcaha ayuu ku yiri”Waxaa ii farxad ah inaan iclaamino inuu guulaystay qorshihii caafimaad aan ugu talagalnay Xajka sannadkan mana eysan dhicin wax dhibaato ah oo khatar ku ah caafimaadka Xujaayda sannadkan sideey ahayd ka hor inta uusan dhicin cudurka Covid-19”,Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Wasaaradiisu diyaarisay 354-xarun caafimaad eyna ka hawgelayaan 36-kun Takhaatiir iyo kalkaaliyeyaal isugu jira,waxaane kaalmeynaayo 7600-qofood oo ah mutadawiciin ah. Wasiir Jalaajil ayaa sheegay in tirada dadka loo fidiyey adeega caafimaad intii uu socday Xajka ey dhammaayeen 400-kun Xaaji,waxaane qaliin dhinaca wadnaha ah loo sameeyey 50-xaaji,800-Xaaji waxaa loo sameeyey Qaliin la xiriira xididada dhiiga gaarsiiyo wadnaha iyo 1600-Xaaji oo laga dhaqay Kilyaha.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

IMAARAATKA OO WAJAHAAYO CADAADIS.

Next
Next

SACUUDIGA OO SOO SAARAY TIRADA XUJAAYDA EE SANNADKAN.