SACUUDIGA IYO BAXRAYN OO XIRIIRKII U JARAY LIBNAAN.

(BEYRUUT):War ka soo baxay dalka Boqortooyadda Sacuudiga maanta oo Jimca ah(29/10/2021)-ka ayaa lagu amray safiirka dalka Libnaan u fadhiyo dalka Sacuudiga inuu dalka uga baxo muddo dhan afartan iyo sideed(48)-saac,waxaane loo yeeray safiirka dalka Sacuudiga u fadhiyo dalka Libnaan inuu isagana ku soo laabta dalka si dhaqsi ah,waxaa kalo dheer in la joojiyey dhammaan badeecadii la geyn jiray iyo kuwii laga keni jiray dalka Libnaan.Scaado ka dib markii amarakaa uu ka soo baxay dalka Sacuudiga ayaa waxa ayadana war soo saartay boqortooyadda Baxrayn kaaso eey ku sheegtay in dalkeeda uu isga baxo safiirka Libnaan muddo dhan laba maalomood,waxaane sidaan ku go’ay xiriirkii siyaasadeed ee u dhexeeyey dalalka Sacuudiga,Baxray iyo Libnaan.Sababta keentay in dalka Sacuudiga u jaro xiriirka dalka Libnaan ayaa ah hadal uu yiri wasiirka warfaafinta dalka Libnaan wariyaha caanka ah ee George Kardaax hadalkaas ayaa ku saabsanaay dagaalka dalka Yaman wariye Gardaax ayaa yiri”Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta waa ku gardaroodeen Yaman”,Imaaraatka weli ayada waxba kama dhihi hadalka kardaax mana eeysan qaadin wax talaaboa ah balse dalka Baxrayn oo aan qeyb ka ahayn dagaaka Yaman ayaa qaaday talaabo la mida tan uu qaaday Sacuudiga.Dhinaca kale wariye Kardaax ayaa u jawaabay dad soo jeediyey inuu is casilo si lo dejiyo xiisadda taagan waxa uuna u sheegay inuusan marnaba is casileeyn siina haan doono wasiirka warfaafinta dalka Libnaan,Kardaax ayaa lagu tiriya inuu taageero buuxda uu hayo ururka eey wadamadda Khalijka u aqoonsan yihiin inuu yahay aragagixiso ee Xisbullaahi gacan sarkana la leh dalka Iraan.XIGASHO WAAAKAALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

QARAX KA DHACAY MAGAALADDA CADAN.

Next
Next

CALI AL-NIMRI WAA WIIL DIL KA BADBAADAY.