SACUDIGA: NIN KA SOOMAY CUNTADA.
(SAWIRKA) SHIICADA LAGU DILAY QATIF-2011-KII
(RIYAD)-Nin u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudiga(Sacuud Al-Faraj) laguna xukumay dil toogasha ah markii uu ka qeybgalay banaanbax looga soo horjeedo xukuumadda Sacuudiga sannadkii 2011-kii, ayaa bilaabay inu ka soomo cuntada ka dib markii loo diiday inuu awood u yeesho la kulanka garsoorayaasha dadweynaha si looga qaado xukunka dilka ah ee lagu xukumay,sidaas waxaa hayadaha xuquuqda u sheegay ilo wareedyo ku sugan gudaha dalka Sacuudiga.
ISHA/MEE.