REYSAL WASAARAH CIRAAQ OO SHQADA KA ERYEY..

REYSAL WASAARAHA CIRAAQ AL-SUDAANI.

(BAQDAAD)-Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shica Al-Sudani ayaa soo saaray amar shaqada looga eryaayo Gudoomiyaha Gobolka Diiwaaniyah Zuhayr Cali Al-shalaan ka dib markii lagu tuhmay dembi la xiriiro Musus-Maasuq sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Ciraaq ee “INA”. “Go’aanka shaqada looga eryey Gudoomiyaha ayaa la qaatay ayadoo uu socdo baaritaan ka dhashay tuhun ah inuu sameeyey Musuq-Maasuq dhinaca maaliyadda ah,waxaane loo gudbin doonaa maxkamada awooda u leh ineey qaado dacwada”sidaas waxaa xaqiijiyey Xafiiska Warfaafinta ee Reysal Wasaaraha.

ISHA WARKA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MADAXDA LIIBIYA OO LA KULMAY SARKAAL SARE…

Next
Next

AABIHII NABADA DALKA LIBNAAN OO GEERIYOODAY.