RASHIDA TALIB OO KU SIGATAY IN LAGA SAARO…
(SAWIRKA)-XILDHIBAANAD RASHIDA TALIB.
(WASHINGTON)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Aqalka Wakiiladda ee dalka Maraykanka ey maanta oo Talaada ah gelinkeedii dambe u codeeyey iney si adag u cambaareyaan Xildhibaanad Rashida Talib oo ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ee dalka Maraykanka,Xidhibanada ayaa laga soo doortaa Gobolka Mishigan ,Xildhibanada Rashida ayaa ah qofka kaliyah ee ah Falastiiniyad Maraykan ah kana tirsan Aqalk Koongareeska dalka Maraykanka,talaabadaan uu qaaday Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa imaaneysa ka dib markii ey Xildhibaanad Rashida ey si kulul uga hadashay dagaalka Isra’iil ku qaaday Marinka Gaza. Mooshinka lidka ku ah Xildhibaanad Rashida ayaa waxaa u codeeyey 234-Xildhibaan waxaane iska diiday 188-Xildhibaan waxa eyna tiradaas badan ee lidka ku ah Xildhibaanad Rashida timid ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga ey Rashida ka tirsan tahay ey ku biireen Xisbiga Jamhuuriga oo isaga keenay Mooshinka ka dhanka ah Xildhibaanad Rashiida,haddii eysan Xildhibaanada Dimuqaraadiga eysan ku biiri lahayn kuwa Jamhuuriga Mooshinka lagu cambaareynayo Xildhibaanad Rashida ma noqdeen mid meel mara. Ciqaabta loo gaystay Xildibaanad Rashida ayaa wax yar uun u jirta in Xildhibaanad Rashida laga saaro Aqalka Kongareeska Maraykanka kaaso ey Xildhinbaanadu ka soo mid ahayd seddex muddo xileed,sababta keentay in Xildhibaanad Rashiida la bartilmaameedsado ayaa ah aragtideeda ku aadan colaada tobanaanka sano jirta ee ka jirta Bariga Dhexe.
ISHA/AP.