SACUUDIGA OO BAYAAN KA SOO SAARAY XAALADDA DALKA SUUDAAN.

(SAWIRKA)-BOQORTOOYADA SACUUDIGA.

(RIYAD)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyaad ayaa sheegaayo in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Sacuudiga ey muujisay sida ey u diidan tahay tallaabo kasta oo sharci darra ah ama tallaabooyin ka baxsan qaab dhismeedka Hayadaha Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Suudaan oo lagu wiiqaayo Midnimada shacabka Walaalaha ah ee ey ku jirto baaqa ah in la dhiso dawlad barbar socota tan hadda jirta, sida lagu sheegay bayaan ey daabacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga. sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa xaqiijisay mawqifkeeda adag ee ku aadan Taageeridda Jamhuuriyadda Suudaan ee dhanka Amaanka,xasiloonida iyo Midnimada dhuleed ee Suudaan. Boqortooyada Sacuudiga waxay ugu baaqday dhinacyada isku haayo xaaladda dalka Suudaan iney danaha dalka Suudaan ka horeysiiyaan danta kooxaha iska markaasne ey ka fogaadaan qatarta kala qeybinta iyo fawdada, waxa ey Boqortooyada Sacuudiga dib u cusbooneysiisay ballan qaadkeedii ahaa iney sii wado dadaal kasta oo lagu joojinaayo dagaalka dalka Suudaan lana xoojiyo heshiiskii nabadeed ee jiddah ee la saxiixay taariikhdu markeey ahayd 11/5/2023-kii. Arrintaan ayaa imaaneysa ka dib markii Xukuumadda Kenya ey Gogol dawlad dhis ah Nayroobi ugu sameysay kooxda RSF ee ka soo horjeeda Xukuumadda Suudaan.

ISHA-SPA.GOV.SA

Previous
Previous

ISRA’IIL OO HAKISAY GARGAARKII MARINKA GAZA.

Next
Next

XABSIYADDA SUURIYA OO LAGA HELAY MEYDAD.