QUBRUS: ISKA HORIMAADYO WELI KA SOCDO.

(SAWIRKA)-BAABUURTA CIIDAMADDA BOOLISKA QUBRUS.

(QUBRUS)-Marka aan ka hadleyno Jaziiradda Qubrus waa inaan xusuusanaa in Jaziiradu u kala qeybsan tahay laba qeybood oo waa weyn eyna kala xukumaan dalalka Turkiga iyo Giriiga,mana jiro wax xal ah oo ilaa hadda laga gaaray arrinta Jaziiradda Qubrus,hadaba ciidamadda booliska ee Jaziiradda Qubrus ayaa shalay oo Sabti ahayd(2/9/23)-ka waxa ey qabteen dad gaarayo ilaa 20-qofood ka dib markii ey dheceen iska horimaadyo salka ku haayo nacayb lidi ku ah dadka soo gelootiga ah iska horimaadyadaan ayaa maalmo ka hor waxa ey ka bilawdeen galbeedka Jaziiradda Qubrus waxa eyna ey ku sii fideen magaaladda Liima Sool ee ku taalo Koonfurta Jaziirada Qubrus horaantii todobaadkan. Sannadadii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanaayey nacaybka dadka soo gelootiga ah ee ku sugan Jaziirada Qubrus waxaane dhinac socday sii kordhidda dhaqanka cadwtinimo ee bulshada Qubrus u hayaan dadka soo gelootiga ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKRISO.

Previous
Previous

SACUUDIGA IYO ISRAA’IIL MA YEELAN DOONAAN XIRIIR?

Next
Next

ISRAEL OO KA CAROOTAY UNESCO SABABTA?