QAXOOTIGA SUDAN EE KU SUGAN DALKA JAAD OO…

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA REER SUDAN KUNA SUGAN DALKA JAAD.

(SUDAN)-Dalka Sudan ayaa waxaa ka qarxay dagaal u dhexeeyo laba Jineraal oo shalay ahaay rag saaxib ah xukana iskala riday Madaxweyne hore ee dalka Sudan Cumar Xasan AL-Bashiir,dagaalka dalka Sudan ayaa soo bilawday 15/4/23-ka waxa uuna hadda galay bishiisii lixaad oo xiriir ah,dagaalka Sudan ayaa gaaray meel kasta oo ka mid ah dhulka balaaran ee Sudan waxaane dalka Sudan isaga qaxay dad fara badan oo shacab ah kuwaaso gaaray dalalka deriska la ah dalka Sudan sida dalka Jaad oo hadda ey ku sugan yihiin Qaxooti fara badan oo reer Sudan ah,waxa uuna dalka Jaad martigelinayaa Qaxooti dhan ilaa afar boqol kun oo Qaxooti reer Sudan ah. Hayadda Haandi-kaab international oo ah hayad madax banaan ayaa ka deyrinaysa xaaladda nololeed ee Qaxootiga reer Sudan kuna sugan gudaha dalka Jaad,waxa eyna hayadu sheegtay in weli ey soo qulqulayaan Qaxootiga Sudan soona gaarayaan xerooyinka Qaxootiga ee dalka Jaad waxaane xuduuda labada dal maalin kasta soo gudubtay tiro Qaxooti ah una dhexeyso 1500 ilaa 2000-qofood.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

100-SARKAAL OO LAGU DILAY SURIYA.

Next
Next

WASIIR BASAAM”LIBNAAN BEEC MA AHA”.