QAXOOTI SUURIYAAN AH OO KA HADLAY DHIBKA KA JIRO XUDUUDA BELARUS IYO POLAND.

(BIALYSTOCK,POLAND):Marka laga hadlaayo qaxootiga ku qulqulaayo qaaradda Yurub waxaa isla markiiba maskaxdayna ku soo dhacaayo qaxootiga ka imaanaayo dalka Suuriya ee uu aafeeyey dagaalka mudada dheer ka socday waxaane arkaysaa qaxootiga u dhashay Suuriya ineey meel kasta gaareen xataa dalka Soomaaliya waa eey ku sugan yihiin,hadaba qoraalkaan ayaan kaga hadlaa qaxootiga reer suuriya una qaxay dhinaca Yurub.

Bushra Al-mucalimi ka dib markii eey u adkeysaneeysay dagaalka dalka Suuriya ee socday muddo dhan tobanka sano ayey Bushra iyo laba gabdhood oo la dhashay waxa eey fursad u heleen ineey isaga cararaan dalkooda Suuriya,Bushra walaakeed oo dhawr sano ka hor isaga cararay dalka Suuriya hadana ku sugan dalka Biljim ayaa waxa uu walaalihiis u keediyey lacag eey dalka Suuriya kaga soo safri karaan waxaane jiray war lagu baahiyey baraha internet-ka oo sheegaayey inuu jiro jid cusub oo lagu tegi karo qaaradda Yurub kaaso ah kan lasii maraayo dalka Belarus,Bushra iyo gabdhaha la dhashay waxa eey ka sheekeeyeen cadaabta eey kala kulmeen xuduuda u dhexeeyso dalalka Poland iyo Belarus.XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

LIIBIYA OO BAACSI KU BILAWDAY TAHRIIBAYAASHA AFRIKAANKA AH.

Next
Next

DILKII MAXAMED AL-DURRAH WAXAA KA SOO WAREEGTAY 21-SANO.