QARAX LAGU DILAY SARKAAL SARE OO YEMAN AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA YEMAN.
(ADEN-YEMAN)-Wararka laga helaayo caamsida ku meel gaarka ah Yeman ee magaaladda Cadan ayaa sheegaayo in kooxda AL-Qaacidda ee ka hawlgasha koonfurta dalka Yeman ey Qarax la eegatay masuuliyiin ka tirsan Gobolka Abyan ee dhaca koonfurta Yeman maanta oo Arbaca ah(4/10/23)-ka,weerarka ayaa dhacay maanta waxaan loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay waxaane lagu dilay taliye sare laguna magacaabo Saalim Salcaan waxaane lagu dhaawacay qaar kale,sarkaalkan ayaa ka mid ah ciidamo ey tababartay dawladda Imaaraatka Carabta loona diyaariyey la dagaalanka Argagixisada waxa eyna intooda badan ka hawlgalaan koonfurta dalka Yeman,sarkaalkan la dilay maanta ayaa ahaay madaxii qeybta Shuqra’a. Laba maalin ka hor ayey ahayd markii qarax midkaan la mida uu ka dhacay isla G/Abyan waxaane qaraxaasi lala eegtay Taliyaha ciidamadda Gaarka ah ee G/Abyan G/Sare.Fadli Baacish,waxaane weerarkaasi ku dhaawacmay qaar ka mida ilaaladiisa.
ISHA/ARAB.