QARAX KA DHACAY MAGAALADDA CADAN EE DALKA YAMAN.
(CADAN):Qarax aad u xoog badan ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaala xeebeedka Cadan ee dalka Yaman halkaasoo saldhig u ah xukuumadda caalamku aqoonsan yahay,sida eey sheegeen masuuliyiin Yaman ah weerarka loo adeegsaday qaraxa ayaa waxaa loola dan lahay in lagu khaarijiyo laba wasiir kana tirsan xukuumadda Yaman balse waa eey ka badbaadeen weerarka.Weerarka loo adeegsaday qaraxa ayaa waxa ku geeriyooday lix qofood waxaane ku dhaawacmay tiro intaas ka badan oo dad ah,wasiiradda iyo masuuliyiinta la weeraray ayaa kala ahaay wasiirka kallumaysiga iyo beeraha Salim Soqadra iyo gudoomiyaha gobolka Cadan Axmed Lamlas,goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa ahayd degmada Tawaahi ee magaaladda Cadan ee dalka yaman.
XIGASHO WAKAALADAHA.