QARAX KA DHACAY MAGAALADA CADAN.

GOOBTA QARAXA KA DHACAY.

(CADAN-YAMAN)-Shan Yamaniyiin ah ayaa ku dhintay maanta oo khamiis ah qarax ka dhacay suuq eey dadweynaha ka adeegtaan kuna yaalo magaaladda Cadan ee koonfurta dalka Yaman. Ilo amni ayaa u waramay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in qarax la dhigay gudaha haanta lagu shubo qashinka taaso tiilay bartamaha suuqa degmada Sheekh Cismaan ee waqooyiga magaaladda Cadan.Goobaha caafimaadka iyo Isbitaaladda magaaladda Cadan ayaa wakaaladda Anadolu u sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxa eey dhan yihiin ilaa labaatan(20)-qofood kuwaaso hadda lagu daaweynaayo isbitaaladda magaaladda Cadan waxaane dadkaa ka mida dad eey aad u liidato xaaladooda caafimaad,xukuumadda Yaman oo fadhigeedy yahay Cadan ayaan wax war ah ka soo saarin qarax ka dhacay degmada Sheekh Cismaan,mana jirto cid sheegatay ineey ayada ka dambaysay qaraxa maanta ka dhacay Cadan.

ISHA WARKA ANADOLU.

KA AKHRISO HALKAAN.

Previous
Previous

NABIH BERRI OO MAR KALE NOQDAY…

Next
Next

MARAYKANKA OO CODSI U DIRAY XUTIYIINTA.