QARAX KA DHACAY CADAN.

(CADAN):Dalka Yaman waxaa weli ka socda dagaalkii u dhexeeyey kooxda Xuutiyiinta iyo dawladda uu caalamka aqoonsan yahay,magaaladda Cadane waa halka saldhiga u ah dawladda Yaman ee uu caalamku aqoonsan yahay waxaane magaaladaas hadda ku soo batay weerarada loo adeegsado qaraxyadda weerarkii ugu dambeeyeyne maanta uu ka dhacay magaaladda Cadan gaar ahaan degmada Khoormaksar kana tirsan gobolka Cadan.Qaraxa ayaa ahaay mid waxyaabaha qaraxa oo loo dhigay baabuur eey wateen qoys saxafiyiin ah una dhashay dalka Yaman,qoyskaan ayaa u wada shaqeeyo Tv-ga laga leeyahay dalkaas Imaaraatka Carabta lana yiraahdo Al-cayn,saxafiyadda la yiraahdo Rasha’a Cabdallah iyo cunug eey dhashay lana yiraahdo Jawaad waxa eey ku dhinteen isla goobta uu ka dhacay qaraxa waxane dhaawac culus uu soo gaaray ninkeeda oo isna ah saxafi kana shaqeeyo isla Tv-ga Al-Cayn lana yiraahdo Maxamuud Al-Cutmi,qoyska ayaa u socday Takhtar eey la balansaneed Rasha’a oo leheed uur si loogu sameeyo baaritaan caafimaad balse inteey gaarin goobtii caafimaad geeriyootay.ISHA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SUUDAAN OO ,OOGA DAWAAQAY DAWLAD KU MEEL GAAR AH.

Next
Next

HOGAAMIYEYASHA AFEGEMBIGA SUUDAAN OO..