QADAR OO ISKA DIIDAY INEY XIRTO XAFIISKA XAMAAS.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA DALKA QADAR.

(DOHA)- Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Dawladda Qadar ey iska diiday in la xiro Xafiiska Siyaasadda Xarakadda Xamaas ey ku leedahay caasimadda dalka Qadar ee Dooxa iyo in Dawladda Qadar ey dalkeeda ka erido masuuliyiinta Xarakadda Xamaas dhammaantood,arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ey soo jeediyeen in dawladda Qadar cadaadis lagu saaro iney talaabo ka qaado Tv-ga Ajazeer iyo siyaasiyiinta Xarakada Xamaas kuna sugan Dooxa. Dalka Qadar ayaa ah mid xiriir fiican la leh dalka Maraykanka waxa eyna qeyb libaax Qadarn ka qaadaty dib u heshiisiintii u dhexeysay Maraykanka iyo kooxda Dhaalibaan ee dalka Afgaanistaan,dhinaca kal,dalka Qadar ayaa suurageliyey in la sii daayo Maxaabiis reer Isra’iil ah oo lagu qabtay weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil,dadka la sii daayey ayaa ahaay kuwa xaaladooda caafimaad ey aad u liidato.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WEERARADA ISRA’IIL EE GAZA OO WELI SII SOCDA.

Next
Next

BANAABIXI UGU WEYNAAY OO SHALAY KA DHACAY WASHINGTON DC.