QADAR IYO JAPAN OO WADA HADAL UGA FURMAY…
(SAWIRKA)-RW-FUMIO KISHIDA IYO AMIIR SHEEKH TAMIIM.
(QADAR)-Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamad AL-Thani ayaa magaaladda Dooxa ee ah caasimadda dalka Qadar waxa uu maanta oo Talaada ah(18/7/23)-ka ku soo dhaweeyey Reysal Wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida,labada dal ayaa la sheegay iney ka wada hadli doono arrimo la xiriiro dhinacayada horumarinta iyo Tamarta,waxaane si gaar ah xooga loo saari doonaa arrimaha la xiriiro istaraatiijiyadda. RW-Fumio Shida ayaa dalka Qadar waxa uu soo gaaray aroornimadi maanta isaga oo hogaaminaayo wafdi balaaran waxa uuna dalka Qadar ku joogi doonaa booqasho rasmi ah.
ISHA/AA.