QAAHIRA: XAMAAS IYO JIHAAD AL-ISLAAMI OO BERI TEGI DOONO…
(SAWIRKA)-ISMAACIIL HANIYAH.
(QAHIRA)-Wafdi ka socdo Xarakada Xamaas ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo magaaladda Qaahira ee dalka Masar maalinta berri ah ee Jimca ah,ujeedka wafdiga Xamaas ayaa lagu sheegay inuu yahay si ey u soo bandhigaan Qorshahooda ku saabsan Hindisaha dalka Masar ee dhigaayo Xabad joojin soo Afjarto dagaalka ba’an ey Isra’iil ku hayso Marinka Gaza. Todobaadkii hore ayey ahayd markii Masuuliyiin ka tirsan Xarakada Xamaas iyo Jihaad AL-Islaami loo soo bandhigay Hindisaha dalka Masar,labadaan xoog ayaa qeyb ka ah dagaalka looga soo horjeedo Isra’iil ee hadda ka socdo Marinka Gaza, Ila wareedyo ku dhaw Xarakada Xamaas ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka France-Press in Hindisaha dalka Masar uu ka kooban yahay seddex marxaladood waxa uuna dhigayaa Xabad Joojin la kordhin karo iyo in si tartiib tartiib ah loo sii daayo dadka ku jiro gacanta Xamaas taas bedelkeedana la sii daayo maxaabiis reer Falasiin ah,arritaan ayaa horseedi kartab in la soo afjaro dagaalka soo bialwday 7/10/23-ka.
ISHA/ARAB.