QAADKA KENYA OO LA KEENI DOONO…
QAATKA KENYA.
(KENYA)-Dalka Kenya ayaa ku sii dhawaanayo in loo fasaxo Qaatka Miirawga ineey keenaan dalka Soomaaliya ka dib marka la saxiixo heshiis la xiriiro arrintaan horaanta bisha soo socoto ee Juulaay-2022-ka. Wasiirka Beeraha ee dalka Kenya Peter Munya ayaa daboolka ka qaaday maanta oo Sabti ah in go’aan ka gaaridda Qaatka Kenya eey ka harsan tahay wax dhan laba asbuuc marka laga bilaabo maanta,waxaane heshiiska arrintaan Qaatka kala saxiixan doono labada dal Soomaaliya iyo Kenya bisha Juulaay-5-2022-ka. Qaatka dalka Kenya ayaa dalka Soomaaliya laga mamnuucay in la keeno bishii Maarso-19-2020-kii,sababta loo joojiyey ayaa lagu sheegay ineey ahayd cudurka Covid-19 ka dibne waxaa xumaaday xiriirka labada dalka Soomaaliya iyo Kenya. Joojinta Qaatka Kenya ee dalka Soomaaliya ayaa Kenya waxaa ka soo gaaray khasaaro baaxad weyn oo dhinaca dhaqaalaha,suuqa Qaatka kenya ayaa khasaaray 50-tan oo Qaat ah maalintii waxaane qiimaha lacageed ee Kenya kaga lumay lagu qiyaasay inuu dhan yahay KSH.20-Milyan una dhiganta $170,037.94 doolarka Maraykanka ah.
ISHA WARKA KENYANEWS.