NINKA LEH DHAXALKA DALKA KUWAYT OO..
GOLAHA SHACABKA KUWAYT.
(KUAWIT)-Ninka leh dhaxalka dalka Kuwayt ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu kala diray baarlamaanka dalkaasi kuwayt waxa uuna ku baaqay in la qabto doorasho waqtigeeda ka horeyso si looga gudbo dhibaatada haysata xukuumadda Kuwayt. Xukumada kuwayt ayaa leh mucaarad aad u fara badan taas ayaana waxa eey dib u dhigtay dalka yar ee kuwayt muddo bila ah. Hadalka uu ka jeediyey Tv-ga qaranka Kuwayt Sheekh Mashcal Al-Axmed Al-Jabir oo 81-jir ah ayuu ku sheegay in qoyska xukuma dalka Kuwayt uu ixtiraamaayo dastuurka dalka Kuwayt kaaso awood siinaayo baarlamaanka halka wadamadda gacanka eey ka jiraan xukuumado kali talis ah.
ISHA WARKA AP.