NIN U DHAHSAY SACUUDIGA OO LAGU…
CIIDAMADA BOOLISKA LIBNAN.
(BEIRUT)-Sida laga soo xigtay warbaahinta CNN ee dalka Maraykanka maanta oo Isniin ah(29/5/23)-ka mawaadin u dhashay dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu afduubtay caasimadda dalka Libnan ee Beyruut sida uu sheegay Tv-ga rasmiga ah ee laga leeyahay dalka Sacuudiga,waxaane arrintaan sii xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Libnan Basaam Mawluuwi,Wasiirka ayaa sheegay in dawladda Libnaan samaynayso wixi awoodeeda ah sidii loo deyn lahaay mawaadinkaan Sacuudiga ah ee la afduubay,kooxda wax afduubtay ayaa waxa ey dalbatay madax furasho dhan $400-kun oo doolarka Marayanaka ah. Ninka la afduubay ee u dhashay dalka Sacuudiga ayaa u shaqeynaayey shirkada diyaaradaha Sacuudiga waxaane la afduubay habeenimadii Axada ee la soo dhaafay,goobta la afduubay ayaa ahayd meel caan ku ah ganacsiga ee caasimadda Beyruut.
ISHA WARKA ARABIC.