NIN KA HADLAY DOONTII LAGU HOOBTAY.
JIHAD.
(BOURJ HAMMOUD)-Jihad Miklawi waa nin 31-jir ah una halgamaayey sidii uu uga bixi lahaay xirfada cunto karinta uu kaga shaqeysto dalka Libnaan,Jihad oo ah nin u dhashay dalka Falastiin ayaan ebedkiis hawo ka gelin inuu qaato go’aan uu ka mid noqonaayo safarka qatarta badan ee lagu aadaayo Qaaradda Yurub ayadoo la sii maraayo badda Miditereeniyaanka,saaxibadda Jihad ee ku guulaystay safarka badda ee lagu tegaayo Yurub ayaan qaarkood ku qancin.Jihad ayaa waxa uu ka mid noqday tobaneeyo qofood oo ka soo badbaaday doontii siday muhaajiriinta aan sharciga ahayn taaso ka soo baxday magaaladda Tripoli ee dalkaasi Libnaan todobaadkii tegay, doonta ayaa ku socotay dalka Talyaaniga waxa eyna siday dad dhan 150-qofood oo tahriibayaal ah una kala dhashay dalalka Suuriya,Libnaan iyo Falastiin.Jihad oo la hadlay Wakaaladda Wararka ASSOCIATED PRESS(AP) maanta oo Talaada ah ayaa yiri”Dadka qaar oo gaaray halka eey u socdeen ayaa ii sheegay nolosha ka jirta xerooyinka lagu haayo dadka soo gelootiga ah ineey ka wanaagsan tahay nolosha ka jirta bartamaha magaaladda caasimadda u ah dalka Libnaan ee Beirut iyo cuntada laga cuno xerooyinkaas ineey aad uga wanaagsan tahay tan laga cuno Beirut”.Doontan lagu le’eday ayaa ka baxday dalka Libnaan,Arbacadii hore ayeyna ku gadoontay xeebta Tartus ee Suuriya maalin ka dib,94-qofood waa dhinteen oo 24 ka mida yihiin caruur,20-qofoodne waa la soo badbaadiyey,waxaane ilaa hadda la la’ayahay 36-qofood.
ISHA WARKA AP.