NIN INGIRIIS AH OO LAGU QABTAY GAROOBKA BAQDAAD.
(BAQDAAD-CIRAAQ)-Nin u dhashay dalka Ingiriiska ayey dawladda Ciraaq ku eedeysay inuu urursaday waxyaabo yar yar oo ah weelashii eey isticmaali jireen dadkii hore sida Dheraga,ninkaan Ingiriiska ah ayaa lagu wadaa inuu ka soo muuqdo maxkamadda todobaadka soo socdo waxaane la filaa in lagu xukumi doono xukun adag oo ah dil sida uu Baqdaad ka sheegay qareenkiisa maanta oo ah Arbaco(11/5/22)-ka. Caalimkaan u dhashay dalka Ingiriiska kuna takhasusay cilmig JIYOOLAJIGA Jim Fitton oo lixdan(60)-jirka ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaradaha caalamiga ah ee caasimadda Baqdaad bishii Maarso ee sannadkaan-2022-ka ka dib markii saraakiisha garoonka diyaaradaha ee Baqdaad eey shandadiisa ka heleen qeybo yar oo Dheri qadiim ah lagana soo qaaday halka lagu keeydiyo waxyaabaha taariikhiga ah ee dalkaas Ciraaq kuna taalo koonfurta dalkaas Ciraaq.
XIGASHO AP.