MUXUU SOO KORDHIN KARAA ISBAHAYSIGA CUSUB?
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO DUL SAARAN MARKABKA GALAXY LEADER.
(YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamadda uu saameeyey Kacdoonkii ka dhacay dalalka Carabta Qaarkood waxaane meesha ka baxday Xukuumadii uu hogaaminaayey MW-Cali Cabdalla Saalax,waxaane dalka Yeman hadda ka jiro laba maamul oo iska soo horjeeda mid caalamku aqoonsn yahay iyo mid aan la aqoonsaneyn. Koxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ka taliya dhinaca Waqooyi ee dalka Yeman eyna ka mid tahay Caasimadda Sanca iyo dhul Xeebeedka Xudeyda iyo Baab El-Mandab. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa gacan saar waxa ey la leeyihiin dalka Iraan waxa eyna ka helaan hub,sirdoon iyo tababaro dhinaca ciidamadda ah,hadaba dagaalka Gaza siduu u bilawday kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa kordhisay weeraro ey ku qaadeyso Maraakiibta marta Badda Cas waxa eyna kooxda Afduubtay markab ganacsi oo la yiraahdo Galaxy Leader kaaso hadda ku sugan dekedda Xudeyda ee dhacada Galbeeldka dalka Yeman. Maxaa arrinkaan cusub ka dhashay? Dalka Maraykanka ayaa waxa uu bilaabay inuu dhiso isbahaysi la magac baxay ILAALIYAHA BARWAAQADDA”isbahaysigaan ayaa loogu talagalay in lagu joojiyo amaba looga hortago weerada kooxda Xuutiyiinta Yeman ey ka gaystaan Badda Cas una gaystaan Maraakiibta badeecadda u sida Isra’iil. Isbahaysigaan cusub ayaa muujinaayo inuu yahay mid uga sii daraayo xiisadda kacsan ee hadda ka taagan Bariga dhexe. Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in Tirada dhimashada tahay 19,453-qofood,waxaa Caruur ah 8-kun,waxaa Dumara ah 6200,waxaane dhaawac ah 52,286-qofood,waxaa Qoysas ah 1682,waxaane la la’ayahay dad gaarayo ilaa 7500-qofood.
ISHA ARAB.