MUXAMED AL-DEYF OO LAGU LA’AYAHAY NOLOL IYO GEERI.
(SAWIRKA)-MUXAMED AL-DEYF.
(UBAI)-Ilaa hadda lama oga halka uu ku dambeeyn doono Taliyaha Guutada AL-Qasaam,garabka Mileteri ee Xarakadda Xamaas Muxamed AL-Deyf ka dib markii ey Israa’iil ku adkeysatay iney ku dileen weerar ey laba todobaad ka hor ka gaysteen Marinka Gaza,halka Xamaas eysan ka hadlin. Hogaamiyaha Xamaas Cizat AL-Rishq ayaa sheegay khamiista maanta ah in “Xaqiijinta ama diidmada dilka mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha Qasaam ey ku xiran tahay Hogaanka Xarakadda Xamaas”. AL-Rishq waxaa kaloo uu yiri”Haddii aaney Xarakadda Xamaas ku dhawaaqin wax tafaasiil ah oo la xiriirta dilka mid ka mida Hogaamiyeyaashooda,cidna warkaasi ma xaqiijin karto. Tani waxa ey jawaab u tahay ku dhawaaqista Ciidamadda Difaaca Israa’iil ee Khamiistii,dilka Taliyihii garabka Mileteri ee Xarakadda Xamaas Muxamed AL-Deyf in ka badan laba todobaad ka dib markii lagu beegsaday koonfurta Marinka Gaza. Ciidamadda Difaac Israa’iil ayaa xaqiijiyey in Muxamed AL-Deyf oo ahaa Taliyihii Guutadda AL-Qasaam Garabka Mileteri ee Xarakadda Xamaas lagu dilay duqeyn ey Israa’iil ka gaysatay Marinka Gaza bishii hore. Bayaan ey Israa’iil soo saartay ayaa sheegaayo in “Ciidanka Israa’iil waxa ey ku dhawaaqeen in 13/7/2024-ka diyaaradaha dagaalka ee ciidamaddu ey duqeyn ka dhacday Aaga Khaan Yoonis,qiimeyn sirdoon ka dib waxaa la xqiijin karaa in Muxamed AL-deyf lagu dilay weerarkaas”sida ey qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waxaa xusid mudan in Israa’iil ey shaacisay in weerarkii ey fulisay 13-kii bishii Luuliyo-2024-ka ey ku dishay Rafi salama oo ahaay Taliyihii Guutada Khaan Yoonis ee Guutada AL-Qasaam. Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay in ka badan 90-Qof balse Xarakadda Xamaas ayaa beenisay in AL-Deyf uu ku jiro dadkaas la dilay. Si kastaba ha ahaatee,afhayeenka Ciidamadda Difaaca Israa’iil Daniyaal Hagari ayaa sheegay waqtigaas in Salama iyo AL-deyf ey is ag fadhiyeen waqtiga uu dhacaaayey weerarka”,isagoo intaas raaciyey in Xamaas ey qarineyso wixii ku dhacay. Bamka lagu tuuray goobta ayaa looga shakisan yahay in miisaankiisu dhamaay 907-kiilo garaam ayaa ka qoday bohol weyn oo ku hareereysan guriga la sheegay in martidu gabaad ka dhigatay mid ka mida ku xigeenadiisa. Waxaa xusid mudan in xaqiijinta ciidamadda Israa’iil ee dilka Muxamed AL-Deyf ey ku soo beegantay maalin ka dib dilkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah oo lagu dilay magaaladda Tehraan kaaso geeridiisa ey ku wada dhawaaqeen Ilaaladda Kacaan Iraan iyo Xarakadda Xamaas.
ISHA/AL-ARABIYA.