MO FARAH OO SIR KASHIFAY..
(LONDON)-Mo Farah oo ah orodyahan horayna ugu guulaystay afar tartan oo Olympic ah ayaa laga soo xigtay inuu dalka Ingiriiska ku keenay sifo aan sharci ahayn wiil yar laguna qasbay inuu daryeelo caruurta kale ka hor inta uusan ka baxsan nolosha adoonsinimada ee uu hadda ka cararay. Filim cusub,ayuu Mo Farah ku sheegay in magaciisa dhanta ah uu yahay XUSEEN CABDI KAAHIN sida laga daawaday filimka cusub iyo in isaga uu ka soo jeedo dalka JAMHHURIYADDA JABUUTI ee dhacda Gobolka Geeska Afrika,Filimka cusub sheekadiisa ayaa lagu dhex sheegay in Mo Farah si sharci daraha lagu keenay dalka Ingiriiska,Filimkaan cusub ayaa waxaa si wadajir ah sameeyntiisa isaga kaashada Idaacadda BBC-da iyo Istuudiyawga Dibiga(BULL STUDIOS).
ISHA WARKA AP.