MMAXAMED BIN ZAYED: “LACAG WEYSIISO ZELENSKY”.
(SAWIRKA)-MW-MBZ IYO NETANYAHU.
(DUBAI)-Ma aha wax cusub oo lala yaabo marka la arko amaba la maqlo masuul dawladeed oo la handadaayo ayadoo loo isticmaalo awood dal kale leeyahay,dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ka mid yahay dalalka Muslimiinta ah ee fara ku tiriska ah xiriirkana la soo ceshaday dalka Isra’iil waqtigii uu dalka Maraykanka ka talinaayey Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump. Dalka Imaaraatka Carabta kama hayn jacayl ey jecel yihiin dalka Isra’iil balse siyaasaddii ayaa halkaasi la gashay iyo dawladda Maraykanka oo ku qasabtay iney xiriir la soo ceshato Isra’iil, MW-Trump meesha waa uu ka baxay waxaane yimid bedelkiisa oo ah MW-Joe Biden waxaane halkeedii ka sii socotay xiriirka u dhexeyo Imaaratka Carabta iyo Isra’iil,Maxaa dhacay oo aanad ogayn dagaalka Gaza markii uu bilawday 7/10/23? Sida caadiga ah goob dagaal ka dhacay waxaa istaaga dhammaan adeegyada bulshada iyo shaqooyinka dawladda iyo kuwa gaarka ah,Xarakadda Xamaas markii ey weerartay Isra’iil 7/10/23-kii waxaa ka dhashay kala carar iyo kobteydii ma aragteen waxa eyna saameysay dhammaan dadkii ku noolaay Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,dawladda Isra’iil ayaa mamnuucday iney dib ugu soo laabtaan shaqaalihii reer Falastiin goobohoodii waxa eyna Isra’iil isku dayday in shaqaalahasi helaan mushaarkood ayaga oo aan wax shaqo ah qabanin,Isra’iil oo aad ugu kalsoon dalka Imaartka Carabta ayaa Reysal Wasaare Netanyahu waxa uu la hadlay Madaxweynaha dalka Imaaraatka Carabta Md.Maxamed Bin Zayed(MBZ) waxa uuna ka codsaday inuu mushaar u qoro shaqaalaha reer Falastiin ee laga mamnuucay dhulkooda,laakinse Maxamed Bin Zayed oo ka jawaabay codsiga saaxibkiis Netanyahu ayaa ugu jawaabay”Lacag weydiiso Zelensky”,jawaabtan ayaa hoosta ka xariiqday mawqifka ey qaateen dalalka Carbeed marka laga hadlaayo dagaalka ka socdo marinka Gaza.
ISHA/AXIOS.