MAXKAMADA SARE EE CIIDAMADA MASAR OO RIDAY…

(MASAR)-Maxkamadda sare ee ciidamadda dalka Masar ayaa ayiday(ku racday) xukunkii horay loogu riday hogaamiyaha Ikhwaan Muslimiinka dalka Masar Maxamed Badiic iyo qaar kaloo ka mida hogaanka Ikhwaanka dalka Masar xukunkaas ayaa ahaay mid xabsi daa’in ah,dadkaan la xukumay ayaa ku eedeysan qadiyadda dalka Masar looga yaqaano”Dhacdadii saldhiga Booliska taaladda Carabta”ee magaaladda Boor Siciid waane xukun kama dambays ah aan laga qaadan karin racfaan.Dadka lagu xukumay xabsi daa’inka ayaa kala ah Maxamed Badiic,Maxamed Albaltaji iyo Safwat Xijaazi waxaa kaloo jira rag kale oo iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xabsi ah waxaane ka mida Cabdall Alxijazi,C/raxmaan Caadhif, Maxamed Sacda Aldiin,Abubakar Jabir iyo Caadil Alsayid waxaa isne sedex sano oo xabsi ah lagu xukumay Xisaam Maxamed.Dacwada dadkaan loo haysto ayaa tirsigeedu yahay 367-sannadkii 2014-kii dembiyada ayaa ka dhacay Boor Saciid waxaane dadkaan lagu tuhmaa ineey geesteen dil iyo gacan ka hadal aad u xun bishii Agoos sannadkii 2013-kii waxa eeyna maxkamadda sii daysay ka dib markii dembi lagu waayey dad dhan 59-qofood. 15/8/2015-kii ayey maxkamadda qaada dembiyadda ee Boor Saciid xukuntay in xabsi daa’in ah lagu xukumo Maxamed Badiic,Maxamed Baltaji,Safwat Xijaazi iyo 16-kale aan joogin maxkamada,waxayna maxkamadda 10-sano oo xukun adag ah ku xukuntay 28-maxbuus,68-maxbuusne waxay ka sii daysay xabsiga ka dib markii dembigii loo haystay lagu waayey.

XIGASHO ARABIC21.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

SABABTA DHABTA AH EE $2-MILYAN UU MAXAMED BIN SALAMAAN U SIYEY KUSHNER.

Next
Next

QARAXYO MATAANA AH OO KA DHACAY CIRAAQ.