MAXBUUS LA WAAYEY KA DIB MARKII LA SII DAAYEY.
(UAE):Labaatan sano ka dib jirdil aan xad lahayn iyo xarig aan lahayn sabab loona gaystay wiil u dhashay Yaman lana waayey markii laga sii daayey Xabsiga Guantanamo.C/qadir waxa uu ahaay maxbuus laga sii daayey xabsiga Guantanamo waxaane la geeyey dalka Imaaratka carabta ka dib markii lagu waayey waxa uu ku eedeysnaayey.C/qaadir Al-madhrafi waxa uu ahaay arday barta cilmiga caafimaadka waxa uuna dalka Bakistaan yimid sannadkii 2001-dii si uu u sii wato waxbarashadiisa,waa la afduubay C/qaadir waxaane laga iibsaday hayadda sirdoonka dibadda ee dalka Maraykanka loona yaqaano C.I.A-da sida uu qoray wargayska Middle East Monitor(MEMO) waxaane sidaas sameeysay dawladda Bakistaan oo C/qaadir la xiriirisay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee World Trade Centre ee magaaladda New York ee dalka Maraykanka sannadkii 2001-dii.ISHA MEMO.