MAXAABIIS REER ISRAEL AH OO KU DHINTAY DUQEYNTA ISRAEL EE GAZA.
(SAWIRKA)-SEDDEX KA MID AH MAXAABIISTA ISRAEL EE LA LA’AYAHAY.
(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee uu ka socdo dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamada difaaca Isra’iil ayaa sheegaayo in Guutada AL-Qasaam ee ah Garabka Mileteri ee Xarakada Xamaas ayaa maanta oo Sabti ah sheegay iney rumaysan yihiin in shan maxbuus oo Israa’iiliyiin ah ey u badan tahay in lagu dilay duqeymaha ku socdo Marinka Gaza ka dib markii ey ku dhawaaqeen iney dhumiyeen xiriirkii ey la lahaayeen kooxdii iyaga masuulka ka ahayd. Afhayeenka Mileterga AL-Qasaam Abu Cubeydah ayaa ku yiri Codsiga Telgaramka”Natiijada Duqeynta waxashnimada ah ee Yahuuda waxaan luminay xiriirkii aan la lahayn kooxda masuulka ka ah shanta Maxbuus ee Yahuuda ah eyna ka mid yihiin Haim Gershon Peri,Yeram Itak Metzger iyo Amiram Israel Cooper”. Abu Cubeyda ayaa intaa raaciyey”Waxaan rumaysanahay in maxaabiista lagu dilay mid ka mida duulaanka Yahuuda ee Marinka Gaza”. Ma aha markii ugu horeysay ey AL-Qasam ey ku dhawaaqdo iney lumisay xiriirkii ey la leheed kooxaha masuulka ka ah Maxaabiista ku xiran Gaza,18/11/23-ka AL-Qasaam waxa ey ku dhawaaqday iney limisay xiriirkii ey la lahayd kooxaha masuulka ka ah ilaalinta Maxaabiista reer Isra’iil ey hayso Xarakadda Xamaas iyo in aayaha Maxaabiista tahay midaan la garanayn”.
ISHA/ARAB.