MASUUL SARE OO SUUDAAN U DHASHAY OO LAGU LA’AYAHAY IMAARAATKA.
Waxaa isa soo taraayo wararka sheegaayo in la la’ayahay masuul sare oo ka mid ahaay wafdi ka socday dalka Suudaan oo dalka Imaaraatka Carabta u tegay ineey kaga qeybgalaan shir eey soo qabanaabisya Imaaraat kuna saabsanaay sidii heshiis loo dhex dhigi lahaay dalalka Suudaan iyo Itoobiya ee isku haayo laba arrimood oo kala ah”Biyaha Niilka iyo Xuduudka).
Dr.Moaz Tango waa masuulka ilaa iyo hadda aan laheyn halka uu jaan iyo cirib dhigay kana mid ahaay wafdigii ka socday dawladda Suudaan eey ogaaminaysay wasiiradda arrimaha dibadda Maryam Al Saadiq,waxaane wafdigaas la socday wasiirka gaashaandhiga S/G-Yaaasiin Ibraahim,wasiirka cadaaladda Nuuradiin Cabdulbaari iyo ku xigeenka Sirdoonka Suudaan Axmed Ibraahim Mufadal,dhammaan masuuliyiinta ayaa dalka Suudaan dib ugu laabtay halka la la’ayahay Dr.Tango,ehelka Tango waxa eey qabaan in la xiray loona haysto inuu galay dembiyo waqtigii Albashiir laakinse fikir kaas ka duwan waxa qaba xukuumadda Suudaan fikirkaaso ah in Imaaraatka iyo Itoobiya dhabar jebin ku sameeyeen dalka Suudaan isla markaasne arrintaani tahay shirqool eey ku heshiiyeen dalalka Itoobiya iyo Imaaraatka.XIGASHO MEMO.