MASAR:GABARTI SHEEKH QARADAAWI OO LA SII DAAYEY.
(MASAR):Dawladda Masar ayaa shalay oo Jimca ahayd(31/12/2021)-ka waxa eey sii daysay Cula’a Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi oo ah gabar uu dhalay sheekha caanka ee reer Masar Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi ee hadda saldhigiisu yahay dalka Qadar,Cula’a ayaa dawladda Masar waxa eey u xirneed muddo dhan afar(4)-sano ayadoo aan la horkeenin wax maxkamada.Cula’a iyo seygeeda Xasaan Khalaf ayey xukuumadda Masar xabsiga u taxaabtay 30/6/2017-kii wax yar ka dib markii eey xukuumada Masar ku biirtay wadamaddii cunaqabataynta saaray dalka Qadar ee kala ahaay”Imaaraatka,Sacuudiga iyo Baxrayn”,waxaane qoyskaan lagu eedeyey ineey xiriir la leeyihiin kooxda Ikhwaan Al-muslimiin oo dalka Masar u aqoonsan yahay koox argagixisa ah.ISHA MEE.